Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa jabiyey Taloooyinkii ka hortaga Cudarka Corono Virus ee ahaa inaysan dadku isu imaan karin , dadka guryahooda ku tukadaan iyo kuwa kale.
Magaalada Muqdisho waxaa lagu Qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xasan, Munasbadaan soo dhaweynta ah ayaa ka hor imaanaysa Talooyinkii Caafimaadka ee ka hortaga Coronaha.
waxaa kaloo Munaasabadaan halis Galisay Caafimaadka dadkaa tira badan ee ka qayb galay Soo dhaweynta iyo Qoysaskooda.
Shacabka Soomaliyeed ayaa waxaa talo lagu siiyey inay Guryahooda ku tukadaan, Shirarkana iyo Kulamada la Joojiyo si uusan Cudarka Dilaaga ee Covid19 u fidin.
Leave a Reply