
Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Application-ka Badbaado449 (Boda Community) oo loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed ay taleefannadooda ku degsadaan kadibna ay ku raadsadaan talooyinka iyo gurmadka caafimaad ee ay u baahanyihiin.
Agaasimaha siyaasadda iyo sharciyada ee wasaaradda amniga, Cabdullaahi Faarax, ayaa sheegay in Habkaan (Application-ka) cusubi uu qeyb wayn ka qaadanayo isku xirka bulshada iyo xarumaha caafimaad ee ku howlan la tacaalidda COVID-19.
Dr. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kamid ah dhaqaatiirta ka howl gala xarunta isku xirka COVID-19 ee 449 ayaa sidoo kale sheegay in habka Badbaado449 uu bulshada u fududeynayo inay taleefannadooda ay si degdeg ah ugu helaan farriimaha caafimaad ee ay u baahanyihiin .
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in sida ugu habboon ay u xakameyso cudurkaan halista badan ee COVID-19, si looga nabad galo saameynta uu ku yeelanayo nolosha bulsahda.
Leave a Reply