Booliiska Galmudug oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkii taliyihii Iscasilay

boliis

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal Xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Dhusamareb laga sii daayey Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.