Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo Saxaafada kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ah ay Faragalin iyo Burbur ku hayso Maamulka Jubbaland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Maxamuud Syaid in Maamulka Jubbaland ay go’aano adag ka qaadan doonto khalkhalka Siyaasadeed ee ay Dowlada Federaalka ah ka wado Gobolka Gedo taas oo ay ku burburisay dhamaan Hay’adahii sharciga ahaa ee halkaas ka jiray isla markana maamulo maqaar saar ah oo aan sharci ahayn ay ka abuurtay Gobolka kuwaas oo dhibaato ku haya Bulshada.
Leave a Reply