Dhageyso:Wararkii Fatahaada Doolow iyo Xarigii Gudoomiyihii hore ee Garbahaaray

doolow

Degmada Doolow ee Gobolka Gedo waxaa ku fatahay Wabiga Daawo Kaas oo gaystay Qasaaro aad u tirabadan oo isugu Jira Barakac iyo Burbur Hantiyeed.

Maamulka Degmada Doolow ayaa waxay ku baaqeen in loo soo gurmado Bulshada Degmada Doolow madaama Qasaaraha wabiga Gaystay aysan kaligood waxba ka qaban karin.

Dhanka kale Gudoomiyihii hore Magaalada Garbahaaray Imaan Cadow ayaa Xabsi ku yaala Magaalada Garbahaaray lagu xiray kadib markii uu diiday inuu warejiyo xilka Gudoomiye

Halkaan hoose ka dhageyso warbixintii Wariyaha Gedotimes ee Gobolka Gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.