Mudooyinkii u danbeeyay waxaa biyo la’aan baahsan soo wajahay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka gedo ka dib markii ceelka kaliyaha oo ay biyaha ka heli jiraan uu halaabay waxaana ay sababtay in gabi ahaanba la la waayo biyihii macaanka iyadoo uusan jirin ceel kale oo biyaha macaan laga heli karaan dadka ku dhaqan Garbahaareey.
Maamulka degmada garbahaareey ee gobolka gedo ayaa isku dayaya inay wax ka qabtaan xaaladaan soo wajahday bulshada iyagoo kaashanaya saraakiisha ciidanka xoogga eek u sugan demada.
Gudomiyaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka gedo Xasan sheikh Cilmi jaamac ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya iyo dadka ka soo jeeda gobolka gedo in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda biyo la’aan ee heysata bulshada ku dhaqan degmadaan iyagoo haatan isticmaala biyo dhanaan taasi oo ay ka dhalin karaan cudurada faafa “ayuu ku daray guddoomiyaha degmada garbahaareey.
Leave a Reply