Barlamaanka Galmudug oo maanta ansixiyay golaha wasiiradda cusub

galmudug

Xildhinaabada Barlamaanka ee Maamul gobooleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka galmudug ayaa waxa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha Wasiiradda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyene Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor.

Kulankaan waxa goobjoog ka ahaa madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo wasiirada cusub, Madaxweynaha Galmudug ayaa golaha barlamaanka u sharxay qorshaha iyo Barnaamijka xukuumadda iyo habkii uu ku soo xulay Waxa uuna weydiistay iney siiyaan codka kalsoonida.

Guddoomiyaha Golaha wakiillada Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal oo shir guddoominayey kulanka maanta ayaa cod geliyay ansixinta xukuumadda, waxa uuna ku dhawaaqay natiijada isagoo sheegay in kulanka ay soo xaadireen 78 xildhibaan, kuwaas dhammaantood codka kalsoonida siiyey xukuumadda, sidaas daraadeedna ay ansax tahay oo ay shaqayn karto xukuumaddu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.