
Guddiga joogtada iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka uu furmi doono 6-da bisha June 2020.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa 27-ka bisha June hor imaan doonta baarlamaanka Soomaaliya sida lagu go’aamiyay shirka, waxeyna warbixin ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhageysan doonaan.
Leave a Reply