
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwan geliyay 22-kiis oo cudurka Covid-19 ah.
War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 14 kiis laga helay Somaliland,Gobolka Banaadir 5, Jubbaland 1-qof, Koofur galbeed 1-qof, iyo Hirshabeelle oo 1 ruux laga helay taasoo caddeyneysa in gobolka Banaadir tirade cudurka uu soo ridanayo ay hoos u dhacday halka uu kusii fidayo gobolada dalka.
Wasaaradda ayaa xustay in 18 ruux ay ka bogsatay cudurka 1 ruuxna uu u geeriyooday.
Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa gaartay 1,711(kun toddobo boqol iyo kow iyo toban), waxaa ka bogsaday 253 (laba boqol konton iyo saddex) halka ay u geeriyoodeen 67 ruux.
Leave a Reply