
Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulankoodii soo gabagabeeyey.
Guddiga ayaa warbixintooda ku saabsan afarta Xeer ee loo xilsaaray u gudbin doonnaan Guddoonka Labada Aqal ee ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga-wadajirka ah Mudane Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow,waxaana goobjoog ahaa xubnaha guddiga.
” Maanta waxaa xaqiiqowday in shaqdii waqtiga la geliyay maskaxda la geliyay ee lagu dadaalay soo gaba-gaboowday ee ummadda Soomaaliyeed iyo Baarlamaankaba ay naga sugaayeen, waxaana hadduu Alle yiraahdo warbixinta guddiga u gudbin doonaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga-wadajirka ah Mudane Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.
Leave a Reply