Daawo:Gudoomiye Barlamaan oo xil lagu Abaal mariyey

maya

Kulan lagu soo dhaweynaayey Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye horayna u ahaa Gudoomiyihii Barlamaanka Maamulka Koonfurgalbeed oo dhawaan loo soo magacaabay xilka Wasaaraddaasi, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.

Kulankan, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xaamud Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Marti-sharaf kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.