Kulankaan oo ay ka so qayb galeen ila 11 heer caalami ah ayaa waxaa diirada lagu saray sidii hay,adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Hormarinta iyo Caafimadka si dhow ula shaqayn lahayeen Wasaarada Caafimadka Galmudug.
Intii uu kulankaani socday waxaa ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali dahir Ciid ,wakiilada Galmudug u fadhiya hay,adaha caalamiga ah Wasiiru dowlaha Caafimadka Galmudug iyo Wasiir kuxigeenka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa hay,adaha caalamiga ah Faray in ay si dhow ula shaqeeyan Wasarada Caafimadka iyo Wasaaradaha kale ee ay isku shaqada yihiin sido kale Madaxweynuhu wuxu faray in dhamaan Hay,adaha Galmudug ku sugan ay iska soo diwaangaliyaan Wasaarada Qorshaynta Galmudug.
Dhanka kale Wasiir Dowlaha Caafimadka Galmudug ayaa asna Hay,adaha Caalamiga ah ka codsaday in ay wax ka qabtaan bahiyaha rasmiga ah ee jira ee ay Wasaaradu so gudbin doonto.
Leave a Reply