Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa munaasabad uu ku qabtay magaalada Beledweyne ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne lacagtii loogu talo galay fatahaadda Beledweyne ee ka kala yimid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jibuuti,
Munaasabadda uu Madaxweynaha Hirshabeelle ku wareejinayay lacagta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Hirshabelle, qeybaha kale duwan ee Bulshada Beledweyne oo ay hormuud u ahaayeen dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka.
Waxa Guddiga lagu wareejiyay:-
1- $ 600,000 – ka timid Dowlada Jabuuti
2- $ 500,000 – Ka timid Dowlada Federaalka iyo
3- $ 40,000 – ka timid Gudiga Fatahaada ee heer Qaran
*Isugeyn Guud lacagtaas ayaa noqotay $1,140,000* (Hal malyan Boqol iyo Afartan kun USD).
Leave a Reply