Waa marxalad u muuqata mid khatar badan,waxaa is barbaryaacaaya run iyo been, waxaa hardamaaya daneyste iyo wadani, waxaa soomaaliya weerar ku ah shisheeye iyo qaa’inuwadaniyiin si kastaba ha ahaatee waxaas aad iskugu murugsan oo madaxa iskula jira ayaa horyaala shacbiga Soomaaliyeed mar ka laga reebo run iyo wadani inta kale waa cadaw duulaan ku ah sharafta, karaamada, midnimada iyo madaxbanaanida shacbiga Soomaaliyeed.
Waxay isku dayayaan in noo soo gashadaan shaati cad oo dusha nadiif uga eg laakiin hoosta ka wasaqeysan,waxay doonayaan in dacar aad iyo aad iyo kharaar ay nooga dhigaan mid dhadhan malab leh,laakiin Soomaalidu waxay tiraahdaa(RAQBA KU RAGEEDA).
Waxaan qabay rajo xumo iga haysay dadkayga Soomaaliyeed oo iigu muuqday in dareenka wadaniyadu ka dhimatay oo aan is oran jiray marar badan waxaa lagu sameeyey maskaxdhaqid (BRAIN WASHED) dhanka wadaniyada,midnimada iyo qabkii lagu yiqiin qofka Soomaaligaa laakiin taas bedelkeedii waxaa igalay hididiilo I farax gelisay todobaadkaan.kadib qudbadii Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (FARMAAJO),waxaa qalbigayga nolol cusub geliyey sida Golaha Shacabka DFS iyo shacbiga Soomaaliyeed uga falceliyeen shaqsiyaadkii dhawrka ahaa ee cadawyada kala duwan ee aan kor ku soo xusaya oo kala ujeedada ahaa soo adeejiyeen.
Dadka Soomaaliyeed oo aan qabiil iyo kooxo midna ahayb waxay muujiyeen isku duubni,waxay muujiyeen midnimo,waxay muujiyeen in ay isku danyihiin,waxay muujiyeen in wax Soomaalinimo ka sokeeya ayyan ka gadmayn, waxaana maragmuujin ah in inta badan Soomaalida gudaha iyo dibadaba ay banaanbax ku muujiyeen in ay difaacanayaan dawladooda iyo qarankooda ay duulaanka ku yihiin shisheeyaha iyo kuwa u adeegaaya, waxaana ii muuqata in ay ku noqotay cadwga iyo adeegayaashi tilaabo ayyan fileyn oo dhinicii ay wax u qadeen lidigeeda isu rogtay,waayo waxay ujeedadoodu ahayd in shacbiga Soomaaliyeed uu mar kale iftiinka yare ee soo baxay ay gacmahooda ku burburiyaan sidii 1991dii, waxayna dib u liqeen canduuftooda,ayyga oo u arka in fashil ayan ka soo waaqsaneyn dhex maquuranaayaa oo shirar iyo khubado quus iyo jahawareer ah kala joojin waayey(NIN QAAWANI BIYO ISKAMA DHAWRO) xaalkoodu waa dhardhigasho ma idiin magacaabaayo shaqsiyaadkaan bulshada ishaa u macalina Caasimada iyo gobolada intaba waa joogaan.
Waxaan arkaynay ama dhegahayaga soo gaaraayey in meelo badan dadka laga horistaagay in ay dareekooda ku muujiyaan waxay qabaan gobolada qaarkood,waa Ayaan daro kuwa waxaas ku kacayaa waxaan leeyahay lama joogo waayadii dadka xoogga loogu talin jirey,inteese idiin suuroobeysaa in aad dadka caburisaan.
Shacbiga waxaan leeyahay laydin ma caburin karo,waxaa laydiin diidan yahay in aad midnimadiina iyo gobanimadiina ilaashataan,waxaa laydiin qurxinayaa in dacar malab la idiin ka dhigo sidii 1991kii (MAR IDAGE ALLAHA DAGO,LABA I DAGE ANAA IS DAGAY},dukaanka yar oo maamooyinku caruura ku koriyaan waxna ku baraan dumiya mida yaanyada gadaysana ka daadsha yaan dhalinyarada loo adeegsan,gobanimadana lama ilaalin karo haddii aan dhiiga loo hurin bal eega kuwa jiidaha hore ee dagaalka ku dhimanaaya ,shacbiguna waa in uusan ka baqin kuwa banaanbaxyada xaqa ah u diidaaya.waxayna hiil u tahay askariga furinta hore ku dhimanaaya.
Wabilahi Towfiiq,
Jimcaale.
Leave a Reply