Daawo:Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo is casilay kadib markii laga hor istagay dibad bax lagu taageerayo DFS

baladwayne

Wasiir ku xigeenka Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladweyne ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay sabab ka dhalatay is hor istaag Ciidamada Booliiska ay ku sameeyeen dibadbax lagu taageerayay DFS.

Xildhibaan Geelle ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliiska uu xabad ku bilaabay dadkii isku soo baxay, xabsigana dhigeen Guddoomiyihii hore ee Maxaas ee Gobolka hiiraan iyo shaqsiyaadkii banaanbaxa ka qaybgalayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.