Madaxweynaha Maamulka gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo waheliyaan ayaa tababar u furay Maleeshiyaadka Beesha Sacad sidii ay qayb uga Noqon lahaayeen ciidanka daraawiishta Galmudug, kuwaa oo lagu tababarayo xerada tababarka Indha Qaris oo ku taala duleedka Barri ee deegaanka Docol oo hoostaga degmada Gaalkacyo.
Furitaanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi in ciidamada tababarka loo furay ay qeyb ka noqan doonaan ciidamada daraawiishta Galmudug, isagoo intaa ku daray in wixii hadda ka danbeeya mas’uuliyadooda xuquuqeed ay saaran tahay dowlad gobaleedka Galmudug hadeey horay u ahaayeen ciidamo beeleed.
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dar daarmay ciidamada tababarka loo furay in ay xil iska saartaan mas’uuliyadda saaran ee ay ka mid tahay difaaca dalka, gaar ahaan deegaannada Galmudug kuwaa oo qaarkood gacanta ugu jira cadow loo baahan yahay in laga xoreeyo.
reeyo.
Leave a Reply