Muuse Biixi oo Codsaday inuu kulan la qaato Madaxwaynaha Ummada Soomaliyeed

Farmaajo

Madaxweynaha Maamulka  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa codsaday inuu kulan kula qaato Madaxwaynaha Ummada Soomaliyeed Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Dalka Jabuuti.

Kulankan oo bilow u noqonaya Wada-hadallada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland waxa sidoo kale goob- joog ka noqonaya Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka soo shaqeeyay in kulankani dhaco iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti oo marti-qaadka sameeyay

Dhinaca Somaliland, waxa la sheegay inay madaxweyne Biixi ay safarka Jabuuti ku wehelin doonaan Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Guurtida, Wakiillada, Wasiirrada Arrimaha dibedda, Ganacsiga iyo xubno kale oo muhiim ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.