Odayaasha Jubbaland oo ka soo horjeestay aqoonsiga dagaal ooge Ahmed Madoobe

farmaajo

Odayaasha, waxgaradka, culimada iyo dhalinyarada Jubbaland oo ka soo horjeestay aqoonsiga ay Dawlada Federaalka aqoonsaneyso dagaal ooge Ahmed Madoobe. 

Odayaashu waxay cadeeyeen in dagaal ooge Ahmed Madoobe uu isagu is doortey oo aysan aqoonsaneyn maamulka Kismaayo.  


Waxaa shirka jaraa’id aad loogu cambaareeyey Kenya oo ku haysa dadka Jubbaland systematic clan cleansing ayadoo aad u xasuuqeysa dadka, isla mar ahaantaana leyneysa xoolihii, burburineysana ilihii dhaqaalaha iyo isgaarsiinta.  Waxay odayaashu soo jeediyeen in Dawlada Soomaaliya ay ka saarto ciidamada Kenya dalka. 
Waxaa kale oo ay odayaashu cadeeyeen in ay tahay calaacal ti

mo ka soo baxeen in ay aqoonsadaan sidii boobka ahayd oo ay Gabre iyo Afeey u qeybiyeen kuraas ku sheegii Aqalka Wakiilada Jubbaland. 

Odayaashu waxay sheegeen in shuruuda ugu horeysa oo ay kaga qeybgeli karaan maamul loo dhan yahay oo Jubbaland yeelato ay tahay ayadoo dib u eegis buuxda lagu sameeyo kuraasta Baarlamaanka Jubbaland iyo doorasho ay sameysteen dadka u dhashay Jubbaland oo daah furan oo cadaalad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.