Mustaf cagjar iyo Afhayeenka Aqalka federashinka Itoobiya oo lagu soo dhaweeyey Jigjiga

mustafcagjar

Masuuliyiinta Xukuumada DDS, Xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka DDS, Cuqaasha, Aqoon yahanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka ayaa maanta si diiran Gegida Dayuuradaha Caalamiga ee Garaad Wiilwaal ku soo dhaweeyay Af Hayeenka Aqalka Sare ee JDFI Mudane Aadan Faarax iyo Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafa Muxumed Cumar.

Madaxwaynaha oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Gegida Diyaaradaha ayaa sheegay inuu Aadan Faarax qayb wayn ka ahaa isbadalkii dalka isla mar ahaantaasna mudadii uu jiray isbadalku uu si wayn dalkiisa ugu shaqeeyay, madaxwaynaha aya sheegy inay markii kowaad ay tahay oo ay Soomaalidu 2 aqal ee Baarlamaanka ugu sareeya dalka ay mid ahaantood hogaamiyaan.

Afhayeenka ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay shacabka deegaanka xilka sare ee Soomaalida loo magacaabay. Mudane Aadan Faarax Ibraahim ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu noqdo shakhsigii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee jagadaas qabta isla mar ahaantaasna uu ka shaqeen doono wixii kor u qaadi lahaa nolosha umada Soomaalida kuna dadaali doono inuu Soomaalida sumcad iyo guulo laxaad leh u soo hooyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.