Warbaahinta qaranka Soomaliyeed ayaa waxay tahay Warbaainta kaliya ee uu lee yahay Qaranka Soomaliyeed taas oo bulshada Soomaliyeed kala Socdaan Aqbaarka Dalka Soomaliyeed iyo caalamka waxaana ka maamnuuca in ay ku adeegtaan Cadowga Soomaliyeed.
Hada Warbaahinta qaranka ayaa waxaa ka jira hab dhaqan xun kaas oo ay Kamasuul yihiin Madaxda Warbaahinta qaybaheeda kala duwan sida Radiyaha,Telefishinka iyo Website waxaa si joogta warbaahinta qaranka Radiyaha iyo Telefishinka uga Baxa Aqbaarta Idaacada VOA qaybteeda Soomaliga waana Xadgudug ay ku kaceen Masuuliyiinta warbaahinta Qaranka ayakoo ku tagrifaliya Awooda.
RaysalWasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo anba qaadaya fulinta qorshaha isla xisaabtanka ee dowladda ayaa kormeer shaqo marar badan waxa uu ku tagay Wasaraadda Warfaafinta si uu ugu kuur galo hawlaha shaqo ee ka socda wasaarada warfaafinta.
Intuu Kormeeka ku jiray Ra’iisalwasaare Khayre Marnaba looma sheegin in warbaahinta qaranka Soomaliyeed ay tabiso warka Idaacada VOAda, Hadaba Dowlada Soomaliya waxaa la quman inay arintaan waxkaqabato oo Masuuliyiinta ka masuulka ah Talaabada ku haboon laga qaado idaacada Voadana laga joojiyo adeegsiga Warbaahinta qaranka sababtoo ah ma ahan idaacad gaar loo lee yahay.
Dhanka Kale Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa Marar Badan Kormeer ku tagay Xarunta telefishinka qaran waxaana warbixin kasiiyey habka ay u shaqeyso warbaahinta qaranka Wasiir Maareeye iyo masuuliyiinka kale warbaahinta qaranka.
Waxaa xusid Mudan wararka lagu dhibaataynayo Qaranka Soomaliyeed ee ka baxa Idaacada Voa inay Tabiso warbaahinta qaranka halka Mucaaradka Dowlada ama dadka ka aragti duwan aysan Isticmaali karin warbaahinta qaranka balse badalkeeda hadii Voa wareysato ay warbaahinta qaran siidaynayo warkooda.
Leave a Reply