Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo soo gaaray Caasimadda Galmudug si uu uga qeybgalo Shirka wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS kaasoo oo dhawaan ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynayaasha ayaa si wadajir aqalka madaxtooyada kula hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in shirka maamul goboleedyada lagu qabto Galmudug.
Leave a Reply