Xilibaan Cabdirahman Dheere Oo Kamid Ah Xilibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa aad U Soo Dhaweeyay Shirka Maamul Goboledyada Ugu Furmay Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Mamulka Galmudug.
Xilibaan Cabdirahman Dheere Ayaa Sidaan Yiri. Waxaan soo dhaweynaya shirka maanta madaxda dowlad goboleedyada uga furmaya magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Shirka Dhuusamareeb wuxuu kusoo aadayaa waqti aad xasaasi u ah, oo dhammaanteen aan walaac ka qabno is mari-waaga siyaasadeed ee dalkeena iyo geedi socodka Dowladnimadda Soomaaliya.
Kullanka wadatashiga ah ee madaxda Dowlad goboleedyada, waa inuu abuuraa jiho Qaran, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo isfaham la xiriirta arrimaha doorashada guud ee dalka.
Soomaaliya waxey taagan tahay marxalad u baahan in looga gudbo wadahadal, tanaasul, isu dhimrin iyo is aqbalid, taas oo laga waayay iney sameeyaan madaxdii loo doortay hogaaminta dalka.
Shirka Dhuusamareeb waxaan ka sugeynaa inuu siyaasadda dalka xabsiga ka soo daayo, oo uu billow wanaagsan u noqdo marxaladda kala guurka ah iyo inuu dhalo shirweyne Qaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Waxaan u rajeynayaa shirka guul iyo inay ka soo baxaan go aanno loo aayo”.
Xilibaan Abdirahman Dheere Oo Kamid Ah Xilibanada Barlamaanka Soomalia Ayaa Aad U Soo Dhaweeyay Rajo Wanagsan Ka Muujiyay Iney Ka Soo Baxaan Shirka Dhuusamareeb.
Leave a Reply