
Ardayda Fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee Magaalada Dhusamareeb ayaa u Fariistay imtixaanka Shahaadiga ah oo loo qaadayo si Mideysay,waxaana Tirada u Fariisatay ay gaaraysaa 222 Arday.
Imtixaankan ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug mudane Maxamed Xaashi Dhoore wuxuuna ardayda ku nool deegaannada Galmudug u rajeeyay in ay guuleystaan.
Tirada guud ee u Fariisatay Galista imtixaankan Dugsiga Dhexe ee Fasalka 8aad ayaa ah 2,561 Arday Dhamaan deegaannada Galmudug, waxa uuna ka dhacayaa 18 Goobood sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada maamulkaasi.









Leave a Reply