Tan iyo sanadkii 2000 barnaamijdkii lagu sameeyey federaalka Soomaaliya ee Imbegaati dalka Kenya,kadib mudheer oo laba sano ahayd oo halkaas la fadhiyey, waxaa muuqatay siyaasad xarigjiid ah oo ka dhexe aloosneyd wixii loogu yeeray dawlad goboleedyo iyo dawlada dhexe ee federaalka,waxaa ayadana dadka Soomaaliyeed inta badan u muuqatay in qaab federal oo adduunyada ka jira uusan ahayn waxa naloo sameeyey qarankuna uusan ku dhismayn awoodo isbarbaryaaca(I JIID AAN KU JIIDEE WAA GACMO DAALIS} Marka laga reebo dad yar oo fara ku tiris ah ee u shaqeeya danaha dalal shisheeye oo ah kuwii awalba dhagarta aan dhexdabaalaneyno noo maleegay, aan hubana tan iyo maalintii aanu soo xambaaraney federaalka sirgax in ay dhoolaha ka qoslayaan maalin walba saacad saacad,waayo qorshahoodii waxba kama aanaan bedelin oo hawshu waxay ugu socotaa sidii ay ku tala galeen oo ah qaranjab Soomaaliyeed iyo in dadyoow kale dhulka qaniga ah ee Eebbe ina siiyey qaataan oo manaafacaadsadaan, Halkaas aan ku joojiyo ararta qormadeydaan oo aan xusuusta dib u celino.
1-Ma xasuusan tihiin in mudadii aan fadhiney Imbegaati (DOOFAAREEY) iyo waxa aan kala soo noqonay ahaayeen wax aan isu qalmin haddana ayyan baahidayadii ka turjumeyn.
2-Ma xasuusan tihiin in laba jeneraal iyo laba aqoonyahan oo ahaa dadkii halkaas tegey ku kuwii ugu wadanisanaa lagu diley oo mid walba inta habeyn seexday subaxdii meydkiisa la helay oo aan laysweydiin sababta ay u dhinteen.
3-Ma is weydiinay in Soomaaliya maahee adduunyada ay ka jirto dal leh madaxweynayaal marka laga reebo midka magacuyaalka ah ee Itoobiya oo anaan isku daruufta ahayn.
4-Maxaan ka baranay isma aamini kartaa oo na loo yeeriyey markii laba sano Imbegaati nala ku daaliyey ee aan noqonay mid la dilay iyo mid cabsi iyo daal la il darnaa oo xaajadu uga soo ururtay yaa fooda noo kala qaada.
5-Malayaabtaan marka aad maqashaan aqoonyahano Soomaaliya oo ujeeda dhibaatada haysata umadda Soomaaliyeed dabka baasiin ku sii shubaya si xaaladu u sii murugto, ma qof nacaybkii uu u qabay kan jigada haysto u quuri la, baa mise shisheeyihii godka nagu riday buu u shaqeeyaa,bal barfasoorada PHD haysta waxa ka qaldan aan wax iska weydiino.Barfarsoornimooy xaal qaado!!!
Ugu danbayn shirka ka socda Dhuusamareeb oo dadka qaar aan ka maqlaayey waxaan ka rajayneynaa wax wanaagsan aniga waxay iga joogtaa (HAL BOOLIYA NIRIG XALAALA MA DHASHO).
Waxaan daawanaayey soo dhaweyntii madaxweynayaasha la yaabka leh(the rediclous Presedents) iyo calamada suran xarunta shirku ka socdo,markaas waxaan xasuustay 1974 shirkii OAU ee ka dhacay Muqdishow muqaalkii Guriga Ummadda calamadii ka taagnaa.Haddii ay wax garanayaan waxay ajandayaasha ku darsan lahaayeen in ay magacaas yaqyaqsiga leh ku bedeshaan Gudoomiyaha Ismaamulka Geedlaand,shaqadoodana waa ineysan dhaafin adeega bulshada sida caafimaadka,waxbarashada,biyaha iyo horumarinta deegaanka.Haykalka dhismuhu waa inuu noqdaa gudi maamul iyo midka deegaanada degmooyinka.
Ugu danbayn Soomaaliyee todoba nin oo mid walba dawr million qof guri albaab leh ugu xiran tahay wuxuu doonana ku sameeya suu asagu rabanna ugu deneysto idin anfacimeyso,aakhirkana waa kala tegeysaan sida hadda qaar ku dhawaaqay waa goosaneynaa qaarna horay u goosteen,tashada baabi,iina ha u sacaba tumina.haddii kale waxaad sugtaan waa in ummadda kale idiin taliyaan.
Wabilaahi Towfiiq.fadlan qaybi haddii aad qaranka Soomaaliya u danqaneysid ,MAHADSANID.
CABDULLAAHI JIMCAALE FARAX.
Nimanka shiray waa qaaimiin aan unaxaynin
Somalia it’s enough waa in shacabka
Somalidu aay difaacdan qarankooda
Hadii aad diidan waxaa ladiin qayaybin 2
Qayebi Ethiopia qaadato iyo qaybta kalana kenya
Waadna ogtihii kenya waxay rabtaa
Qaadashada bada iyo dhulka somalia Ethiopia
Hada ayadaa isku mashqulsan ee kumadayseen
Runtii dani iyo kuwa kale ee xataa garan
Waayay mustaqbalka ilmohooda aay gumaysi
Uguyeeran dhulka somali dadkaas iskajira
Aragtidoda waa maanta maxaan cunaa hadaba somaliyeey
Tashada inta aad fursada haysaan 6 maxawayne
Oo hal wadan leh calamka markin (asc)