Sawiro:Wafti kasocda Dowlada Soomaliya iyo Maamul Goboleedyada oo gaaray Caabudwaaq

Cw

Wafti ay hogaaminayaan Wasiirka Dastuurka DF, Salaax Axmed Jasmac
Wasiir ku xigeenka Warfaadinta, Aadan Isaaq Cali oo ay ka mid yihiin
Sanater Giinjeex oo ka tirsan Golaha Aqalka sare iyo Xildhibaano kamdi ah Golaha Shaxabka, Xubno ka socday Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan, Maamulada, Galmudug, Puntland, Hiirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta safar isugu jira marti qaad iyo dalxiis ku soo gaaray Degmada Caabudwaaq ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Xubnaha ka socday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee kamdi ah waftigaan ayaa waxay kala ahaayeen Wasiiru Dawlaha Duulista Hawada, Puntland Maxamed Xassan, Gudoomiye ku Xigeenka dhinaca Amniga Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmemd Tuulax,
Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir
Cumar Cabdi Risaaq, Wasiirka Caafimaad Jubbaland, Mursal Qaliif,
Wasiirada Caafimaadka, Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Gargaarka iyo Masiibooyinka iyo Dastuurka Galmudug ayaa ka qayb ahaa waftiga.

Masuuliyiinta kale ee la socday waftigaa ayaa waxaa kamdi ah Gudomiye ku xigeenka Gudiga Doorashooyinka Qaranka Cadan Cabdi Naasir, Agaasimayaal, iyo Xubna kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.