Sawiro:QoorQoor oo Bililiqaystay Kursigii Khayre

qoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafti uu hogaaminaayo.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Madaxtooyada Galmudug kulan kula qaatay Qaar kamida Madaxda Maamul goboleedyada Sida Hirshabeele, Koofurgalbeed iyo Galmudug.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo markuu soo galay Qolka martida oo diyaar ku ahaayeen Madaxda Maamul goboleedyada iyo kuwa Dowlada Federaalka ah ayaa waxaa kursigii Ra’iisalwasaraha Soomaliya ku fariistay Madaxwaynaha Galmudug Qoorqoor.

Masawirkaan Kore waxaa idinka Muuqda Ra’iisalwasaaraha Soomaliya oo la fadhiya Wasiiro kamida kuwa Dowlada federaalka ah ee Soomaliya oo wajigiisa ka muuqan farxad mana jeclaysan sida uu ula dhaqmay Qoorqoor.

Waxaa Xusid Mudan Madaxwayne Farmaajo iyo Khayre in Magaalada Garoowe lagu soo dhaweeyey mid ka duwan kan galmudug waxaana masawirka hoose kaaga muuqda ayakoo isla fadhiya madaama ay yihiin madaxdii Qaranka soomaliyeed waana mida ay kala garan waayeen Maamulka Galmudug “”Qaran iyo Maamul Goboleed kan sareeya”” waxaana dhici doonta hadaan laga hortagin in calanka Soomaliya laga hoios mariyo kuwa maamul goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.