Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Dabaylo kusoo wajahan Gobolada Dalka

Somali

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee DFS ah ee Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay Roobab dabeylo wata oo kuso wajahan qaar ka mid ah Gobolada dalka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka DFS ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaan la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo, sigaar ahna uga dhacaan degmooyinka, Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka DFS ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay in cabsida ugu weyn ee dabeylahaan ay tahay inay sababaan burbur hantiyadeed sida Guryaha ku dhow dhow deegaannada Xeebaha ah iyo doomaha kalluumeysi,waxaana ay ugu baaqday dadka degan deegaannada Xeebaha inay ka digtoonadaan khataraha ka dhalan kara dabeylahaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.