Xaflad ay ku qalin jebinayeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo isugu jiray leyli sarkaal,saraakiil xigeeno iyo ururka shanaad Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay dugsiga tababar Ciidanka ee Turksom.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Wasiirka Gaashaan dhiga Dalka Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe),Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka,taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka,taliyaasha qeybaha kale duwan ee Ciidanka Xooga Dalka,saraakiil iyo diplomaasiyiin ka socotay walaalaha turkiga iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn saraakiishii tababarkan mudada uu socday kaalimaha ugu horeeya ka galay ayaa sheegay in dadaalkii mudada ay soo wadeen ay hada guushiisa gaareen islamarkaana diyaar u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliyeed.
Saraakiil ka socotay taliska ciidanka xooga walaalaha tiurkiga oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka dugsigan loo aas aasay ay aheyd doib u dhiska ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed islamrakaana ay sii wadi doonaan dadaaladda dib loogu xoojinayo ciidanka qaranka Soomaaliyeed.
Taliayaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeya guuto Odowaa Yusuf Raage ayaa u sheegya in ciidanka qalin jebiyay ama tababar usoo gaba gaboobay in ay howlo adag sugeyso oo ah difaaca sharafka qaranimada Soomaliyed iyo sidoo kale difaaca dhulka jamhuuriyadda.
Wasiirka gaashaandgiga Xasan Cali Maxmed (Amar-dambe) ayaa sidoo kale hambalyo ciidamda waxaana uu kala dardaarmay saraakkiisha saraakil xigeenada iyo ururada shanaad ee xooga dalka inay aqoonta ay barteen ay dalkooda iyo dadkoodo ugu adeegaan.
Gudoomaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo tababarka usoo xeray ayaa uga mahad celiyay walalaha turkuga iyo dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda uga taageerayaan dib udhis ciidamada qalabka sida gaar ahaan xoogga dalka.
Leave a Reply