Munaasabadda lagu Sagootinayey madaxdii iyo wufuudii ka qeybgashay shirweynaha wadatashiga Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah dowladda dhexe oo dhawaan kusoo gabagaboobay magaalada dhuusamareeb ayaa lagu qabtay Magaaladaasi
Waxaana munaasabada ka qeyb-galay Ra’isulwaaraha xukumadda federaallka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayere Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdul-casiis Xasan laftagareen, Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid wasiiro iyo xildhibaano ka tiran dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale munaasbaad waxaa ka qeyb-galay ururada bulshada rayidka sida haweenka iyo waxgaradka deegaanka.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-Qoor ayaa u mahadceliyay dhammaan madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka sida ay u ajiineen in gogosha wadatashiga ay isugu yimaadaan magaalada dhuusamareeb waxaana uu intaa ku daray in shirka wadatashiga ee soo gaba-gaboobay ay kasoo baxeen waxyaabo dan u ah masiirka dadlka iyo dadka soomaaliyeed.
“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad iiga ajiibteen inaan gogosha wadatashiga aan dhigno Dhuusamareeb aan uga hadalno ayaaha dalka maadaama lagu jiro marxalada kala guud ah loona baahanyahay in si wadajir loo wajaho arrimaha doorashooyinka soo socdo ee 2020/2021 ayuu ku daray madaxweyne Qoor Qoor.
Leave a Reply