Wakiilkii Axmed Madoobe ee Xafiiska Ra’iisalwasaraha oo Xilka laga qaaday

Axmednuur

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuunadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xilka ka qaaday xoghayaha joogtada ah ee xafiidka Ra’iisalwasaare oo xiriir Dhow la lahaa Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland.

Warqad Qoraala oo kasoo baxday Xafiiska Ra’iisalwasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xilka Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si KMG ah  loogu magacaabay inuu noqdo Cabdirasaaq Xuseen Aadan.

Dhanka kale Ra’iisalwasaare kuxigeenka Dalka ayaa Xilka ka qaaday Axmed Nuur oo ahaa Xoghayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, kadib markii Maanta Codka kalsoonida lagala noqday Xukuumadda Kheyre.

Axmed Nuur ayaa marar badan lagu qabtay asagoo xogta dowlada u gudbinaya Maamulka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.