Wafdiga uu horkacayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa waxa ay gaareen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana garoonka diyaaradaha Baardheere ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, kan Gobolka, ciidamada qalabka sida iyo qeybaha bulshada ee ku nool magaalada.
Wafdiga ayaa ujeedda socdaalkooda ay ku tegeen Baardheera la xiriirtay sidii loo daahfuri lahaa dhismaha Buundada oo bur bur aad u weyn uu ka muuqdo, isla markaana aan helin dib u dayactir.
Maamulka Degmada Baardheere, Xildhibaanno, ka tirsan Golaha Shacabka, Senatoro ka socday Golaha Aqalka Sare iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dib u dhiska Buundada ayaa waxa ay sheegeen in haatan si rasmi ah loo bilaabi doono dib u dhiska Buundada.
Guddoomiye ku-xigeenka laaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad oo daahfuray dhismaha Buundada Baardheere ayaa sheegay in deg deg loo dhisayo, injineeradii dhisayayna lagu wareejiyay qalabka iyo buundada, isagoo dhinaca kale sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay go’aansatay dhismaha buundada.
Leave a Reply