Mala Joogaa Xiligii la badali lahaa Macalimu iyo Bakaal Kooka!!!

Macalimu

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira Dhibaatoyin kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, Caafimaad, Waxbarashada iyo Adeegyada Aas aasiga.

Waxaa la qarin karin hawgalkii Dowlada Soomaaliya hogaaminaysay oo ka qayb qaateen Bulshada Gobolka Gedo iyo Masuuliyiintii Demooyinka Daawo kaas oo Jamhadii Axmed Madoobe oo uu hogaamiyaha u ahaa Wasiirkii arimaha Gudaha Jubbaland Cabdirishiid Janan laga saaray Degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Doolow.

Bulshada Degmooyinka Luuq, Baladxaawo iyo Doolow waxay awood u yeesheen inay Bananbaxaan oo ciday rabaan dhaliilaan taas oo horay u jirin.

Buldhada Gobolka Gedo waxay ka filayeen Maamulka Cusub ee uu Hogaamiyo Gudoomiye Cismaan Nuur Xaaji macalimu iyo Taliyaha Xasilinta Bakaal Kooka inay wax ka qabtaan arimaha Amniga Siiba la dagaalanka Argagixisada Shabaab, dib udhisida goobaha wax lagu barto, Saldhigyada Boliiska Degmooyinka kuwaas burbur wayn ku yimid iyo Goobaha Caafimaadka.

Maamulka Cusub ee Gobolka Gedo ayaa ku fashilmay wax ka qabashada Baahiyaha ka jira Gobolka Gedo balse badalkeeda waxay usoo jeesteen Cashuur inay ka guraan Degmooyinka Gobolka Gedo taas oo ay u isticmaalaan danahooda Gaarka.

Waxaa isi soo taraya Baaqyada ka imaanaya Bulshada Gobolka Gedo kuwaas oo isugu jira Aqoon yahano, Waxgarad, Culumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo dalbanaya in Gobolka Gedo loo soo magacaabo masuuliyiin ka saara Xalada adsg ee ka jirta Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.