Waxaan la yaab lahayn in beeli ka shirto danaheeda waa dhaqankii suubanaa ee duubabku ku hoggaaamin jireen beeshooda ama ay kula dhaqmi jireen beelaha kale haddii wax dhex maraan, waxaan Meesha ka maqneyn in beeli shirto oo kala xisaabtanto xukuumada waxyaalaha noloshooda taabanaaya ama adeegii bulshada sida waxbarashada, caafimaadka ,biyaha,wadooyinka amniga iyo wixii la mid ah,waxaanse la qaadan Karin in waxyaalaha masiiriga ah ee qaran leeyahay oo haya’dahii dastuuriga ahaa sida fulinta, sharci dejinta iyo garsoorkii u dhisan yihiin hal beela tiraahdo anagaa ka talineyna haddii aan saas la yeelina qoryo baa rasaas noogu jirtaa waaba yaabe aan soo qaato labadaan arimood ama qodob:-
1-Dib u dhigida doorashada marna mas’uuliinta sare ee xukuumada kama aanaan maqal mudada ha naloo kordhiyo waxaana socda qaabayn(PROCESES) sidee waxyeelnaa,waxaa dhacday aafo caalamiya oo aduunka oo dhan sameysay oo dhammaan dunida doorashooyinkii ka dhici lahaa dal kasta ugu yaraan hal sano dib u dhigay sidaas awgeed aniga fikarkayga masiibada ay dhaafi waayeen dowladahii waaweynaa anaga oo duruufaysan yaan la tixgelin waa dalka dhibaato ha loo horseedo.
2-Siyaasiga iyo beesha diidan awooda ha loo celiyo shacbiga ee leh maya mid dadban baan rabnaa,ma waxay rabaan in xuquuq beela kale iyo siyaasiyiin kale oo tartan kula jira boobaan?
3-beesha Mudulood iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed haddii la yiri codkiina siiya qofka aad rabtaan oo doorta maxaa ka wanaagsan oo xukuumada ay ka sugayeen?
4-Muqdishoow qabiil ma dhisin waxaa dhisay qaranka Soomaaliyeed sharcigii lagu degay ee tasuuriga ahaa wuxuu ahaa dhulka, biyaha iyo cirka Soomaaliya waa hanti guud oo ummadda soomaaliyeed ka dhexeysa ,Xamar kuma sii jirin oo ayadu waxay ahayd Caasimadii Soomaaliya maqaamka ka fiican oo loo raadinaa waa maxay?
Ugu dambayn Haddii qolo sheeganayso waxaan Baarlamaanka Federaalka ah u soo jeedinayaa in la qaymeeyo hantidii guud ee lagu maalgaliyey ee ummadda ka dhaxaysay reerka sheegtana la weydiiyo in ay bixiyaan qaymaha hantidaas waxaa la mid ah hantidii guud ee taalay gobolada ee dadka ka dhexeysay.
Lama yaabin in Cali mahdi lagu abaalmariyo bilad Sharaf asaga oo xasuuqii ugu xumaa geystay bal Kaliya soo qaata dagaalkii afarta bilood la magacbaxay ee lagu qaymeyey in ay ku dhinteen 24000 qof iyo qudbadii uu Kismaanyo ka jeediyey mar USC qabsatay asaga oo madaxweyne ah (ERYA OO CAYRSHA OO GABADHOODU MEESHA AY KU HARTO SUMAD KU SOO DHIGA), waxaa sabab biladaas u ah Cabdullaahi Yuusuf baa calanka Soomaaliya inta la saaray lagu magacaabay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Cadde Muuse oo calanka Itoobiya ka taagay Galdogob iyo Balanbale baa lagu magacaabay kan boosaaso, Maxamed Abshir baa lagu magacaabay kan garoowe, Shaati gaduud baa ku magacaaban midka Baydhabo iyo Maxamed Ibraahin Cigaal oo Hargeysa lagu magacaabay waxaan aad uga xumahay haddii xasuuq iyo burburin laysku abaal marinaayo ninkii intaas ka mudnaa in la iloobay oo ah Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.
Ugu danbayn beeshayda Mudulood iyo Imaamkayga sharfta leh shirkoodii ragga marin habaabiyey waxay ka danbi badan yihiin kuwa aan kor ku soo sheegay,waayo anaga dhexdayada bay dhibaato ka geysteen ee qayb ka mid ah dalka Soomaaliya shisheeye ma siin;-
1-Bal qaymeeya kan haraadiga suntan khatarta ah ku shubay xeebta dheer ee Soomaaliya siistayna 83,000,000 oo doolar 18 haamood baa Jubada Hoose Ilaa Xarardheere soo caariday 90% waxaa degan Mudulood.
2-Bal qaymeeye kan aasaasay shabaab iyo Daacish inta qofku maqan haddana bada Gatay?
3-Bal wax ka dhaha kan dhammaan hantidii maguurtada ahayd ee Xamar ummada ka dhexeysay gatay iyo macaaminadii dibada qaatay, xataa shaqaalaha iyo askarta mushaar ka siinwaayey,haddana intaas deeqi weydey ee iibiyey gabdho lagu sheegay kun hablood oo lix boqol oo ka mid ah meel lagu sheego aan la garaneyn.
Ugu danbayn duubabka oo iimaamuku u horeeyo waxaan u soo jeedinayaa in arintaan hoos u dhac iyo sumcadxumo u keeneyso siyaasiyiinta mudulood ee nadiifka ah oo hanka siyaasadeed leh,waxay hoos u dhigtayn sumcadii mudulood oo hoggaanka Soomaaliya naloo ogolaa ilaa lixdankii fadlan odayaasha dhaqanku gogol Soomaaliyeed ha dhigeen wixii dhacay Raaligelin ha ka siiyeen Soomaaliya.
Wabilaahi Towfiiq,
dhiblaawe.
Cali mahadi runtii waa criminal
Waa inlageeyaa maxakamada
Huge ee notherland ninkan waa
WARLORD illahay
Kusoqay 24.000 buudilay 4 bilood ee
Xamar oo caruur iyo dumar ubadan
Maqaaxi buu kukulahaa maka almukarama
Hada kahor baalawadiiyay maxaad uriday
Dowladii somali he said waxaan gaday 500
Baasuuke iyo qoryo badan buu shagay
Lacagtaas somali buu kaqaaday maqaxidii
Xumayed ee uu lahaa