Ciidamada Galmudug oo wata Gadiidkii ugu badnaa ee dagaalka ayaa ka baxay Magaalada Dhusamareeb, Ciidamadan oo ku wajahan Deeganada Bari ee Gobolka Galgaduud ayaa saldhigyo ka sameestay deeganka Bulacle oo hoos taga Degmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab.
Ciidamadan waxaa sii sagootiyay Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, dardaaran iyo dhiirigalin ayay ciidamadan kusiiyeen furimaha Hore.
Leave a Reply