Deni iyo Madaxwaynaha Jabuuti oo kawada hadlay Dekada Boosaso ee aasantay iyo Shirka Dhuusamareb

deni

Madaxweynaha MaamulkaPuntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.

Deni iyo Ismaaciil Cumar geele ayaa waxay kawada hadleen Sidii wax loo qaban lahaa Dekada Boosaaso ee Ciida Buuxisay iyo Sidii Shirka Dhuusamareeb lagu wado inuu ka dhacao 15 Bishaan uu u noqon lahaa mid miro dhaliyo oo qilaafkii ka jiray xaga Doorashada lagu soo afjaro.

Kulanka waxaa Madaxweynayaasha ku weheliyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Dhinaca Puntland waxaa uga qeybgalay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Ganacsiga mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dibedda Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.