
Allaha unaxariistee Ugaas Cali Ugaas Nuur, oo Talaadadii aan soo dhaafnay ku geeriyooday magaalada Stanbuul ee carriga Turkiga, ayaa maanta Galabtii lagu aasay xabaalaha Garab-case ee magaalada Jigjiga.
Masuuliyiinta DDS, kuwa axsaabta siyaasadeed , Cuqaal, Culimada Deegaanka, iyo shacab tiro wayn ayaa ka soo qaybgalay aasaka marxuumka.
Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxumad Cumar, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay, in uu Ugaas Cali ahaa Nabadoon u taagan guud ahaan danaha shacabka Soomaliyeed, ahaana shakhsi Cibaado badan oo samaha ka taliya, madaxwaynaha ayaa intaas raaciyay, in xukuumada DDS,ay si dhaw ula socotay xanuunka iyo xaalada Ugaaska, maantana u Deegaanka ka baxay tir wayn oo latabi doono.
Aaska ka dib, ayaa Ugaas Sahal Carab,Ugaaska Beesha Karinle, ku soo dhaweeyay Garaad Kulmiye Garaad Maxamad Dool, in uu cimaamada ugaasnimo u duubo, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cali, Ugaaska Beesha Jidle ahna ugaaska guud ee Beelaha Hawiye ee Deegaanka Soomaalida, oo ah wiil uu dhalay AUN Ugaas Cali, halkaasna loogu duceeyay.



Leave a Reply