Magaalada Dhuusamareeb ee caasumada Maamulka Galmudug waxaa ka soconaya qaban qaabadii ugu dambesay furitaanka ee shirka wadatashiga madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah.
Shalay waxaa garaay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo ah shir guddoonka shirka iyo sidoo kale guddiga farsamada ee sameynta habraaca doorasha oo maalmahaan ku shirayay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Dhuusamaareeb waxaa ku suga madaqweynayaasha dowlad goboleedyada Koofur -Galbeed iyo Hirshabeelle waa Cabdicasiis xasan Maxamed (Lafta-Gareen) Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale wasiiro heer federaalka iyo heer dowlad goboleed.
Waxaa saakay ku wajahay magaalada dhuusamareeb Madaxweynayaasha Dowlada goboleedyada Punland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
Waa inay tagan shirka 2 nin ee ubahan
Inay fahman danta diinta dadka iyo
Dalka oo aay iska ilooban kuqabso
Kuqadi mayside somalia dowlad adag
Baa kajirto iyo barlaman fahmay
Danta guud kenya wataasaa afka
Furatay markii qadkii sunta ahaa
Lahakiyay hadii maamulada aay
Lashaqeeyan fadaralka waa hubal ah
In kenya danbe hadlayen axmamed
Madoobe oo ah nin somali ah
Ķenya kahar hadii aad diido
Runtii tariikha kusheegi mashii
Aad kudanbayso dani immarates wataa
Cadaysay inay yahuud yihiin
Oo aduunka islamka aay fahmeen
Qorshihii burburinta liibiya yaman
Suuriya somalia and all Muslim world
Kahar kuwaas hadii aad diido
Somali waay kuqaban ogow midaas
Kuseexo