Madaxwaynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Dalka Jabuuti ayaa lagu soo dhoweeyay Garoowe ee caasumada maamulka Puntland.

Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa Madaxweynaha kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Abuukate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.