Deni oo go’aansaday sidii Shirkii Garoowe u Fashilmay inuu kan Dhuusamareebna fashilmo

deni

Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa ka furmay 5 May 2019 shirka Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, Wafdiga shirkan uga qeybgalaayey dowladda federaalka ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehliyo ra’iisalwasaarihiisa Xiligaas Xasan Cali Khayre, halka dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ka qayb galeen sida Madaxwaynayaasha kala ahaa Deni, Waare, Laftagareen, Xaaf iyo allaha unaxariistee Gudoomiye Yariisow.

Shirkaas ka furmay Garoowe sanadkii ee hore ayaa waxaa ku baaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, xilli uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay waddamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta, Madaxda Dowlada iyo Madaxwaynayaasha Maamul goboleedyada ayaa aqbalay Casumaada Deni.

11 May 2019 Shirkii Garoowe uga socday mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo madaxada Dowladda Dhexe, ayaa fashil ku soo dhamaaday isla markaana wax heshiis ah aan laga gaarin arrimo dhawr ah oo la isku haystay, Madaxwaynayaha Puntland Deni, Galmudug Xaaf iyo Jubbaland Axmed Madoobe oo isku fikrad ahaa ayaa Madaxda dowlada dhaliil usoo jeediyey.

Madaxwayne Deni oo isagu kamid ahaa Madaxdii Abaabushay shirka Dhuusamareeb iyakoo diidan kan Dowlada Federaalka ah uga dhawaaqday Magaalada Muqdisho ayaa waxuu hada asaga iyo Axmed Madoobe isla qaateen inay Fashilyaan Shirka Dhuusamareeb 3  Madaama ay Sadex maamul goboleed ee kala ah Hirshabeele, Galmudug, Koofurgalbeed iyo Gobolka Banaadir ay yihiin isku Mowqif xiriir dhowna la lee yihiin Madaxda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Balse waxaan la ogayn waxa uu kusoo dhamaan doonto shirka Dhuusamareeb iyo Axmed madoobe iyo Deni ka qayb gali doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.