Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxa CARE Somalia waxaa uu eedeyay faragalin la xariirta siyaasadda dalka oo sida la sheegay uu iska indha tirayo shuruucda dalka Soomaaliya, Wasiir Goodax Barre ayaa ku amray in dalka uu isaga baxo agaasimihii hay’adda CARE USA ee dalka Iman Abdullahi sida ugu dhaqsaha badan.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka waxbarshada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxa CARE Somalia uu isku dayay olole uu ku wiiqeyo horumarka qeybta waxbarashada dalka oo qas ka dhex abuuray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigaggeeda, oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha iyo saaxibadeeda waxbarashada.