
Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa muqdisho kaga qeyb-galay kulan dadweyne ah oo Guddida ganacsiga, warshadaha iyo maal-gashiga ee golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ay ku falan-qeynaayeen saameynta cudurka covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga soomaaliya.
kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen wasiiro, xildhibbaano, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacisga iyo warshadaha, madaxda rugta ganacsiga iyo warshadaha iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada, ayaa aad looggu falan-qeeyey siyaabaha kala duwan ee covid-19 uu u saameeyey ganacsiga, waxaana la sheegay in cudurkani uu hoos-u-dhac weyn ku keenay dhaqaalahii wadanka maadaama bubur ku yimi ganacsiyo tiro badan, shaqo la’aan badan oo uu sababay, hoos-u-dhac ku yimi cashuurtii dawladda iyo weli ba saameyn xoogga oo uu ku yeeshay ganacsatada wax-u-soo dhoofisa dalka.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddida hawshan soo qaban-qaabiyay, waxaana uu sheegay in daraasado ay ka sameeyeen saameynta cudurka ee ganacsiga ay muujinayso inay jirto saameyn baahsan oo cudurku ku yeeshay ganacsiga wadanka balse dedaalo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsatadu ba ay wakhtigan yaraatay saameyntii cudurkaasi. waxa uu sheegay in wakhtiyadii uu cudurkani xooganaa ay dawladdu cashuur-dhaaf u sameysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee bulshada.
Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dadaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in la joogo wakhtigii dawlad iyo shacabba fursad loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay cudurkaasi loona xoojin lahaa wax-soo-saarka dalka.
Wasiirku, waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday dadaalada ay ka wasaarad ahaan ku fududeynayaan kuna horumarinayaan ganacsiga iyo warshadaha iyo weli ba dhiiri-gelinta maal-gashiga, waxaana uu xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay soomaaliya maanta ka mid noqonayso ururada caalamiga ah ee ganacsiyada aduunka.










Leave a Reply