
Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa martiqaad u sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Magaalada Garoowe.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Madaxweyneyaashii hore ee Maamulka Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas , Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Goleeyaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland .
Ujeedka kulankaan ayaa ahaa sidii Puntland iyo Jubbaland ay ka yeeli lahaayeen go’aankii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3.



Leave a Reply