Shirka wadatashiga Maamulada Degmooyinka Gobalka Gedo ayaa Maanta ka furmey Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, Gudoomiyaasha iyo masuuliyiinta Degmoyinka Gobalka Gedo ayaa ka qeyb galaya Shirka wadatashiga.
Shirkaan oo shir gudoominaayey Gudoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji macalimu waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Xasilinta Bakaal Kooka iyo Taliyaha Ciidmada Gobolka Gedo Generaal Maxamed Cadow Cali (Sanka).
Shirkaan ka furmay Magaalada Baladxaawo ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha Amniga iyo horumarka Gobolka Gedo.
Leave a Reply