
Madasha Aqoon yahanada Gobolka Gedo “”GEDO INTELLECTUAL forum”” oo xeerinaysa Xaalada isbadalaysa ee gobolka Gedo haday ahaan lahayd Amniga, Horumarka, waxbarashada, Caafimaadka iyo adeega bulshada waxay Baaq u dirtay masuuliyiinta ka qayb galaysa Shirka wada tashiga Maamulada Gobolka Gedo.
- Madasha aqoon yahanada Gobolka gedo waxay soo dhaweysay shirka Baladxaawo iyadoo u aragta Tilaabo horay Loo qaaday.
- Madasha waxay soo jeedinaysa in shirka diirada lagu saaro Nolosha iyo horumarka dadka iyo Deegaanka.
- Madasha waxay soo jeedinaysa go’aamada kasoo baxa shirka inay noqdaan kuwa u qalma kana tarjumaaya aragtida Bulshada Gedo.
- Madasha waxay Bogaadinaysaa isku xirnaanshaha, Midnimada iyo isdhexgalka Bulshada Gedo.
- Madasha waxay adkaynaysaa ilaalinta maamul wanaagga, Maqaamka xarinta Gobolka iyo haybadda Dowladnimada.

Leave a Reply