
Golaha Wasiirrada Xukuumadda xil gaarsiinta dalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca Dalka.
Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa.
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta.




Leave a Reply