
Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya, mudane; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa manta kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hoggaannada ciidamada Qaranka.
Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) Sii hayaha Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka , Jenaraal; Odowaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaanka qeybaha dalka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammaystirka dib u habaynta ciidamada.






Leave a Reply