
Argagixisada Al-Shabaab ay saakay la wareegeen deegaan katirsan Maamul Goboleedka Galmudug gaar ahaan Gobolka Galgaduud.
Deegaanka Cadakibir oo 60 u jirta Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana saakay gudaha u galay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.
Deegaanka Cadakibir ayaan markii hore laheyn wax maamul ah, waxayna Al-Shabaab ka sameysteen fariisimo.
Al-Shabaab ayaa waayihii dambe dhaq-dhaqaaq ka waday deegaanada ay ka joogaan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, waxayna dadka deegaanka maalmihii lasoo dhaafay kula dagaalayeen koonfurta gobolka Mudug.
Leave a Reply