Sawiro:Ugaas Maxamed oo Beelo dagaalamay Heshiis kala Dhexdhigay

ugaas

Ugaas Mohammed Ahmed Ugaas Faarax oo ay weheliyaan odayaasha guurtida, aqoonyahanno iyo ganacsatoAyaa in dhawaalaba ku hawlanaa safarro iyo socdaallo uu kumarayay deegaanno badan oo ay dadka soomaaliyeed dagaan Gaar ahaan deegaanada ismaamulka soomaalida.

Ugaas Maxamed wuxuu waday ama uu gudbinayay fariimo isku mid ah, middaas oo ah Dadka soomaaliyeed ee walaalaha ahi inay kuwada Noolaadaan Nabad iyo isjacayl maadaama ay wadaagaan dhalasho, diin, dhaqan iyo dhulba.

Ugaaska ayaa maalinimadii arbacada ee ay taariikhdu ku aadanayd 9/9/2020 Safar uga anbabaxay Magaalada Caabudwaaq dhinacaas iyo Gobalka Qorrexeey ee ismaamulka Deegaanka soomaalida, ugaasku wuxuu siimaray santarka laasocaanood, iyo Buulale, fadhigaraadle, ariqaruuf, haraalle, Isgoyska, Garasle.

Ugaas Mohamed ayaa shir weyn ku qabtay Deegaanka Garasle halkaas oo ay iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Beesha Sade, waxaa soo idlaaday shir muddo laba cishe ah oo uu ugaasku joogay deegaanka Garasle ka soconayay, waxaana ka soo baxay Qodobadaan hoose.

1:- Xabad joojin iyo in Nabad Buuxda laqaato oo aanay Deegaanka kadhicin Colaad Danbe.

2:_In maamulka deegaanka lala shaqeeyo loona hoggaansamo Nidaamka iyo sharciga.

3:- inaan hub lagu qaadan karin Deegaanka4> in latago magaalada shilaabo oo ay Taallo gogol Nabadeed, islamarkaana la geeyo xoolihii la isku amray.

ugaas
ugaas
ugaas
ugaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.