Waxaa maalintii labaad galay shirkii ka socday Madaxtooyada Soomaaliya ee u dhaxeeyey dowladda federaalka ah iyo Maamul goboleedyada.
Shirkan oo ay ka qayb galayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hirshabelle Maxamed Waare, Koonfur galbeed Cabdicasis Lafta-gareen, Jubbaland Axmed Madoobe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa looga hadlayaa natiijadii Dhuusamareeb 3.
Dhamaadka Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in laga heshiiyo Arimaha Doorashada iyo qaabka loo soo xulaya Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Leave a Reply