
Magaalada Jowhar ee Shabellada Dhaxe ayaa Caawa lagu dilay allaha u naxariiste wasiir ka tirsanaa Maamulka Hirshabelle.
Allaha u naxariistee Nuur Xaashi Warsame oo ahaa Wasiiru-dowlihii wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, sidoo kale ahaa Xildhibaan tirsanaa baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa caawa lagu dilay magaalada Jowhar Gaar ahaan Xaafada Horseed.
Waa Xildhibaankii sedexaad ee isla Sanadkan lagu dilo Magaalada Jowhar kaasi oo katirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle.
Leave a Reply